Home Wararka Maanta Dalalka Soomaaliya iyo Aljeeriya oo codsaday fadhi deg deg uu Golaha amaanka...

Dalalka Soomaaliya iyo Aljeeriya oo codsaday fadhi deg deg uu Golaha amaanka ka yeesho Duqeymaha Israa’iil ee Suuriya

0

Dalalka Aljeeriya iyo Soomaaliya ayaa codsaday fadhi deg deg ah oo ay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay kaga arrinsanayaan dhibaatada ka dhalan karta weerarrada Israa’iil ay ka geesanayso Suuriya.

Codsigaan ayaa yimid kadib wadatashi iyo is afgarad ay yeesheen wakiilada wadamada Carabta ee kusugan magaalada New York, Shir-guddoonka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inay fadhigaasi yeeshaan Khamiista 10-ka Abriil.

Kooxda A3+ ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (Algeria, Sierra Leone, iyo Somalia), oo ay weheliso Jamhuuriyadda Guyana, waxay ku celiyeen sida hagar la’aanta ah ee ay u taageerayaan midnimada Suuriya, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Suuriya.

Wadamadaan ayaa horey ugu baaqay in aan la faragelin arrimaha gudaha ee dalka Suuriya iyo in si degdeg ah looga qaado cunaqabataynta saaran.

Hadal uu jeediyay Ergayga Joogtada ah ee Aljeeriya u jooga Qaramadda Midoobay, Amar Benjamaa, oo ku hadlaya magaca wadamadaan, mar uu ka hadlayay Warbixin ku saabsan Suuriya, ayuu ku nuux-nuuxsaday in waxa uga sii daraya Caqabadaha Ammaanka ay yihiin Duqeymaha joogtada ah ee Diyaaradaha Dagaalka Israa’iil ay ku hayaan Goobaha Milliteri ee dhulka Suuriya.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleMasar oo soo dhoweeysay wadatashiga nabadeed ee uu ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya
Next articleCiidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe