Home Wararka Caalamka Dalalka Midowga Yurub oo ku Heshiiyay Awood ay ku diidi karaan dadka...

Dalalka Midowga Yurub oo ku Heshiiyay Awood ay ku diidi karaan dadka magangalyo doonka ah

0

Dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub iyo Baarlamaanka Yurub ayaa gaaray heshiis hordhac ah oo u oggolaanaya waddamada Midowga Yurub inay diidaan dadka magangalyo doonka ah haddii ay magangalyo weydiisan kareen waddan ammaan ah oo ka baxsan Midowga Yurub – oo sidoo kale loo yaqaan waddamada saddexaad ee nabdoon.

Sidaas waxaa ku sheegay Golaha Wasiirada Midowga Yurub war-saxaafadeed ay soo saareen, sida laga soo xigtay Ritzau.

Heshiiskan ayaa qayb ka ah dadaallada Wadamada Yurub ee ku aaddan siyaasadda magangalyada iyo socdaalka ee Midowga Yurub.

Heshiiska oo ah mid hordhac ayaa cadaadis saaraya Dadka doonaya inay iska dhiibaan Wadamada midowga Yurub.

Ad