Home Wararka Maanta Dalalka ay Al Shabaab hubkooda u adeegsato dagaallada oo la shaaciyey

Dalalka ay Al Shabaab hubkooda u adeegsato dagaallada oo la shaaciyey

0

Kooxda la socodka iyo kormeerka xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya oo ah koox ka kooban khubaro ayaa soo saaray warbixin lagaga hadlay xaaladda Soomaaliya taas oo loo gudbiyey Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Warbixinta oo ka kooban 107 bog ayaa dul maraysa dhacdooyinka amaanka awooda Al-shabaab,dagaalka adag ee ay dowladdu kula jirto iyo iskaashiga saaxiibada caalamiga ee taageera Soomaaliya.

Kooxdan ayaa ku sheegtay qaybta warbixinta ee Al-Shabaab ay kaga hadleen in muddadii ay wadeen aysan jirin wax muhiim ah oo ka muuqda hoos u dhac ku yimid awooda kooxda.

Laakin waxay qireen in ay cadaadis kala kulmeen duulaanka ay hormuudka ka tahay Dowladda Federaalka.

Guddigan waxa kale oo ay xuseen inaysan xaqiijin Karin sheegashooyin maamulada Hirshabele, Galmudug iyo wasaarada warfaafinta Soomaaliya oo sheegay in lix kun oo ka tirsan kooxda la dhaawacay ilaa saddex kun oo kalena la dilay .

Khuburadan ayaa tilmaamay in isku tolanka ciidamada iyo bulshooyinka maxalliga ay muujiyey horumar wanaagsan

Warbixinta waxay sheegtay in wali hab dhismeedka kooxdu yahay mid u muuqda sidiisii hore oo an wax weyni iska badalin.

Axmed Diiriye oo loo yaqaan Abuu Cubayda ayaa wali isku tirinaya inuu yahay Amiirka Al-Shabaab, sida warbixinta lagu sheegay.

Dhanka kale waxay warbixintu tibaaxday in tababar xoog leh ay siiyeen ciidamada oo ay ku tababareen deegaano hor leh.

Weerarada dhulka iyo duqaymaha cirka ee lagu hayo kooxda Al Shabaab ayaa kooxda la socodka iyo xayiraada hubka saaran ee Soomaaliya ay tilmaameen inay ahaayeen kuwo si joogta ah loogu qaadayey.

Saraakiil sar sare oo Al-shabaab ka tirsan ayaa warbiixntu xustay inay ku dhinteen duqaymo cirka oo saaxiibada caalamiga ee Soomaaliya ay fuliyeen, iyo howlgalo dhanka dhulka oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka fuliyeen gobollada dalka.

Guddiga ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay u fududeysay afar kormeer oo ay sameeyeen intii ay ku guda jireen howlahooda.

Tixraaacyo ay ka heleen hub Al-alshabaab lagaga qabtay deeganada Wisil, Galmudug; Maxaas, Hirshabeelle, Janaale, Shabeellaha Hoose iyo Kismaayo, Jubbaland sanadikii 2020kii ayey khubaradu adeegsadeen.

Hubkaas ayaa yaalla kaydka xerada Xalane ee garoonka Aadan Cadde,sida ay guddigu ku sheegeen warbixintooda.

Hubka la baaray ayaa isugu jiray 73 qori oo kuwa daran dooriga u dhaca ah sida (AK, AKM, Type 56, Type 56-1) sidoo kale noocyada kale ee la eegay waxaa ka mid ah Nooca 56-2, MPi-KM-72), 7.62×54 mm caliber PKMs, qoryaha fudud ee M86, iyo garnaylada.

Si gaara guddiga ayaa diiwan galiyey ilaa 36 noocyadaas hubka ah oo leh sifooyin la raad raacay.

Magacyada Dalalka hubkooda ay adeegsadaan.

Sida ay warbixintooda ku sheegeen khubaradan, dalal ku yaala Yurub iyo Aasiya ayaa leh tixraaca hubka ay kooxdu adeegsato.

Dalalka Bulgaariya Shiinaha, Hungary, iyo meelo aan la cayimin ayaa muujiyey sifooyinka lala xiriirinayo.

Bulgaariya

Dalka Bulgaariya waxaa Guddigu sheegeen in laba nooc oo ah sanduuqyo rasaas oo loogu tala galay 7.62×39 mm iyo 7.62×54 mm ay qayb ka ahaayeen saanad la keenay Soomaaliya bishii febraayo 2022-kii oo loogu talagalay ciidanka gaarka ee Danab.

Shiinaha

Calaamadaaha 36 nooc oo hubka la eegay ah ayaa muujinaya inay ku xiriiraan, soona saareen warshadaha shiinaha sanadihii 2015kii ilaa 2020-kii.

Hangari

Dalkan ayaa lala xiriray hal qori oo nooca AK63D ah, iyo shan qori oo nooca AK ah oo leh calaamado muujinaya soo saarista laba warshadood (Izhmash iyo Tula), oo la soo saaray intii u dhaxaysay 1953 iyo 1974.

Meelaha aan la aqoon

Ilaa afar qori oo noocyadoodu kala yihiin AK ah, Shan qori nooca AK103 iyo mid kale PKM ayey guddigu sheegeen inaysan ku xiriirin cidna balse tuhumo wali dalalka hore qayb ah ay ka muujiyeen

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey khasaaro Ba’an oo ka,Dhashay Dagaalkii Qararaa ee Maantay ka Dhacay Galmudug
Next articleMasar iyo Qatar oo u hanjabay hoggaamiyaasha Xamaas ee dalalkooda ku nool