Home Wararka Maanta Dahir Cali iyo cabdullahi Cali oo Markale Maxkamada Sare Ku riday Xukunkaan

Dahir Cali iyo cabdullahi Cali oo Markale Maxkamada Sare Ku riday Xukunkaan

0

Xukunka Walaallo wada dhasahy.

Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka sida ayaa xukuno kala duwan kasoo saartay kiiska Daadir Cali Cusmaan & Cabdullaahi Cali Cusmaan oo loo heysto dilka Marxuum Xuseen Xasan Mool-gale oo ahaa guddoomiyihii deegaanka Mareereey ee gobolka Shabeelada dhexe, falkaasi oo dhacay taariikhdu markii ay aheyd Sodonka Bishii Maarso ee sanadkan.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiisaskan , fadhiyo kala duwan kadib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa xukun ka soo saartay Sodonkii bishii Juun ee Sanadkaan, balse Xukunsaneyaasha ayaa racfaan ka qaatay xukunkii lagu riday.

Sagaal iyo Tobanka bishaan Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka Sida oo aqbashay dalabkii racfaanka, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyaddoo ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.

Daadir Cali Cismaan ayey Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum Xuseen Xasan Mool-gale, halka Cabdullaahi Cali Cusmaan ay Maxkamadu xorriyadiisa dib u siisay.

Sida uu warbaahinta u sheegay Sareeyo Guuto Liibaan Cali Yaroow Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida.

Ad
Previous articleDiyaarada Itoobiyaan Airline oo Caawa loo Qabtay Inay Dalabka Dowlada Kasoo Jawaabaan loona Diiday…
Next articleSayid Cali oo Maantay Markale Taagan Maxkamada Sare