Home Wararka Maanta Dahir amin Jesoow oo jawaab ka bixiyey hadalkii ka soo baxay xildhibaan...

Dahir amin Jesoow oo jawaab ka bixiyey hadalkii ka soo baxay xildhibaan Cabdirisaaq Xusul

0

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Golaha Shacabka, isla-markaana kasoo jeeda gobolka Hiiraan ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadalkii ka soo yeeray xuldhibaan Cabdirisaaq Aadan Warsame (Xusul) oo shaaca ka qaaday in maleeshiyaadka Macawiisley ay ka daran yihiin Al-Shabaab ayna halis ku yihiin Soomaaliya.

Jeesow oo hadalkaasi ka jawaabay ayaa shaaca ka qaaday in maleeshiyaadka Macawiisley ay u dagaalamayaan xoreynta gobolka Hiiraan, ayna ay leeyihiin hoggaan & kala dambeyn.

“Ciidanka Macaawisleyda ee ka dagaalamaya Hiiraan lama dhihi karo hogaan maleh gudoomiye Cali Jeyte ayaa hogaamiye u ah” ayuu yiri xildhibaan Daahir Amiin Jeesow

Sidoo kale wuxuu taageero u muujiyey kooxda MacawiisleyDA ee haatan dagaalka ka wada gobolka Hiiraan, isaga oo sheegay in abaabulkooda uu yahay mid ka dhan ah Al-Shabaab.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale ballan-qaaday inuu tegi doono Hiiraan, isla-markaana uu ku biiri doono dagaalka, si uu dhiirageliyo shacabka u istaagay inay iska difaacaan Shabaab.

“Waxaan aad u tageersanahay abaabulka ay wadaan shacabka reer Hiiraan ee Al Shabaab looga xoreynayo Gobolka iyo guud ahaan Dalka oo dhan waana tagi doona si aan ugu biiro dagaalkaas” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Horey guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jayte ayaa ugu jawaabay xildhibaan C/irsaaq Xusul, isaga oo ku sifeeyey argagixiso khatar ah, sidoo kale wuxuu sheegay in ku dhowaad 20 sano ay deegaankiisii Al-shabaab heystaan, isla markaana uu raali uga yahay.

“Ninka la leeyahay Xusul waa argagixiso Al-shabaab ah, kana mid ah Baarlamaanka Soomaaliya, waan dhageystay hadalkiisa wuxuu aflagaadeeyey ciidanka Macawiisley, isgoo u hiilinayay Al-shabaab, taasina waa nasiib daro weyn in Xildhibaan uu waqtigaan eedeeyo shacab Soomaaliyeed oo iska celinaayo Al-shabaab, halkuu taageero uga muujin lahaa,” ayuu yiri Jeyte.

 

 

 

 

Madaxweynaha Galmudug oo booqasho ku tagay xarunta Hay’adda SoDMA

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA, waxaana xarunta ku soo dhaweeyay guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle. Madaxweynaha Galmudug

Caalamka:- Dowlada Sacudiga oo 14 Dal African ah ka joojisay Visa Cumrada

Maamulka sare ee Boqortooyada Sacuuduga, ayaa si KMG ah u hakiyay in viisooyinka cumrada, ganacsiga iyo booqashada qoysaska xilligan la siiyo dadka kasoo jeeda 14 dal , kuwaa oo kasoo

Donald Trump oo Shaaciyay Hadalo Hanjabaad ah oo ku socda Iiraan

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump, ayaa xalay shaaca ka qaaday in dowladda Iran diyaar u tahay in ay la galaan wadahadallo toos ah ay uga wada hadlayaan barnaamijka Nukliyeerka, inkastoo

Caalamka:- Microsoft oo shaqada ka joojisay gabar indhaha caalamka qabsatay

Gabar lagu magacaabo Ibtihal Abu Saad oo u dhalatay dalka Marooko oo u shaqeeysa shirkadda Microsoft, ayaa qabsatay indhaha caalamka, kaddib markii ku dhax mudaharaaday munaasabadda sannad-guurradii 50-aad ee shirkadda

Ex Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo Geerida Jeneraal Sheegow

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka inay baaritaan dhab ah ku sameeyso Geerida ku timid Jeneraal Sheegow oo in muddo ah u xirnaa Dowladda
Ad
Previous articleBeesha Reer Xaaji Saleemaan oo isku Dhaarsaday Dagaalka Alshabaab
Next articleMadaxweynaha Galmudug oo la Kulmay Wafdi ka socda QM