Labo goobood ayaa caawa abaarihii 1-da habeenimo lamaqlay weeraro ku bilowday qaraxyo xooggan iyo rasaas culus, gaar ahaan Saldhiga degmada Kaxda ee Koofur Galbeed Muqdisho iyo deegaanka Daara Salaam ee Waqooyi Bari Muqdisho.
Allaha amaansado shacabka Muqdisho oo caawa habeen cabsi u ah. Sanado kaddib oo dhawaaqan oo kale aanay dhagahooda maqlin hugunka madaafiicda iyo qoryaha daran dooriga u dhaca.
Gudoomiyaha Degmada Kaxda ayaa Xaqiijiyay in laba Gaari Nooca Dagaalka aha Ay Horay Qaateen Kooxdii Soo Weerartay Saldhiga Degmada kaxda.
lama Oga Qasaraha ka Dhashay Dagaalkan oo Madaama Xili Danbe Ahayd Dadkuma Badanaa ay Hurdaayeen.
Ad