Home Wararka Maanta Dagaala Qaraaar oo Saacado Badan Qaatay iyo Talihii Booliska Baardheere oo...

Dagaala Qaraaar oo Saacado Badan Qaatay iyo Talihii Booliska Baardheere oo Ku Dhintay

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo ka Dhacay gudaha degmada Bardaale ee gobolka Baay, kaas oo u dhexeeyo ciidanka Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaad hubeysan.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaadka hubeysan ay weerar ku qaadeen degmada Bardaale oo ay ku sugnaayeen ciidanka daraawiishta Koonfur Galbeed.

dagaalka ayaana ahaa  mid xoogan, isla markaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka.

Dagaalkan ayaa sababay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, waxaana kamid ah dadka dhintay saraakiil sar sare oo uu ku jiro talihii degmada Bardaale Marxuum Aliyow Boorow.

Taliyaha ayaa waxaa markii hore soo gaaray dhaawac halis ah, kaas oo uu saacado kadib u geeriyooday, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, waxaana sii xoogeysanaya dagaalka, ayada oo gurmadyo ay helayaan labada dhinac.

Sidoo kale dagaalkan ayaa saameyn ku yeeshay shacabka ku dhaqan magaalada oo argagax wayn dareemay, maadaama lagu kor dagaalamayo.

Maleeshiyaadka weerarka soo qaaday oo u abaabulan hab beeleed ayaa horay magaalada looga saaray, kadib dadaallo la sameyay, si loo soo afjaro colaadda ka taagan halkaasi.

Bardaale ayaa waxaa muddooyinkii ugu dambeeyay ka taagnayd colaad beeleed saameyn ku yeelatay shacabka ku dhaqan gudaha degmadaas oo ka tirsan gobolka Baay.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleTaliska Xooga Dalka oo Wacad ku Maray inay Alshabaab Mudo bil ah kuss Afjarayaan
Next articleDawladda Federaalka oo muddeysay waqtiga ay tahay in askarta Itoobiya uga baxaan guud ahaan Soomaaliya