Home Wararka Maanta Dagaal Xalay Alshabaab iyo Ciidamada Dowlada Ku dhexmaray Muqdisho

Dagaal Xalay Alshabaab iyo Ciidamada Dowlada Ku dhexmaray Muqdisho

0

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar toos ah oo ay xalay kooxda Al-Shabaab ku qaaday gudaha degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, kaas oo muddo socday.

Weerarka oo uu dagaal xigay ayaa si weyn looga dareemay gudaha caasimada, waxaana dhawaqa iyo hubka ay is weydaarsanayeen labada dhinac laga maqlay meelo baxsan degmada Kaxda oo ah halka lagu dagalaamay.

Ilo wareedyo lagu kasoonyahay ayaa innoo sheegay in xubnaha kooxda Al-Shabaab ay bartilmaameedsadeen bar-koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidanka Booliska, taas oo lagu magacaabo Buurta Cali Janaale, waxaana cabsi xoogleh ay soo wajahday dadka deegaanka.

Bartan oo lagu hubiyo gaadiidka ayaa lasoo wariyay in Al-Shabaab ay marka hore ku garaaceen qorayga Sabanka, waxaana kadib dhacay iska hor imaad foolka fool ah oo dhex-maray ciidamadii ku sugnaa goobta iyo raggii weerarka qaaday.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, maadaama ay ahayd xilli habeen ah oo aan la heli karin xog rasmi ah oo ku aadan dagaalka ka dhacay halkaasi.

Xubnaha weerarka soo qaaday ayaa goobta ka baxsaday, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid kacsan, ayada raadka weerarkii xalay laga dareemayo degmada Kaxda.

Sidoo kale waxaa goobta la weeraray ku sugan ciidamada ammaanka oo iyaguna dadaallo dheeraad ah wada, kuwaas oo dagaal kala hortegay xubnaha weerarka soo qaaday.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac, kuna aadan weerarka iyo dagaalka xigay ee xalay ka dhacay halkaasi.

Weerarkan ayaa qayb ka noqonayo falalka amaanka dari ee haatan ka dhacaya gudaha Muqdisho, oo inta badan weeraro noocaan oo kale ah iyo qaraxyo ay ka fuliso Al-Shabaab.

 

Dowladda Uganda oo ku baaqday in dib u heshiisiin loo sameeyo Madaxda Dowladda Federaalka

Dowladda Uganda ayaa ku baaqday in dib u heshiisiin loo sameeyo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka, si loo soo afjari xiisad siyaasadeed ee ka dhexeysa Dowladda

Doonyo Hub u Siday Shabaab oo lagu Duqeeyay Biyaha Somaliya

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in ay duqeymo dhanka cirka biyaha dalka Soomaaliya taariikhdu markay ahayd Abriil 16, 2025 iyadoo lala kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Duqeymahan ayaa

Madaxweynaha Mareykanka oo Kulan la yeeshay Raisal Wasaaraha Israel

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Talaadadan sheegay in wada hadal wax ku ool ah uu la yeeshay Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu. Madaxweynaha Mareykanka ayaa khadka teleefanka kula hadlay Raysal

Dowlada Israel oo Qiratay Dilka Samafalayaal lagu dilay GAZA

Milatariga Israel ayaa sheegay in “fashil xagga xirfadda ah” uu horseeday dilka 15 ka mid ah shaqaalaha gargaarka degdegga ah ee Qasa bishii hore. Baaritaan lagu sameeyay dhacdadan oo ay

Galgaduud oo lagu dilay Taliyihii Hore ee Ilaalada Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa xaqiijinaya in xalay lagu dilay Alle ha u naxariistee Sade Daahir Caanood Gulaafe, taliyihii hore ee ilaalada khaaska ah ee Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug.
Ad
Previous articleWaa tuma gabadha Soomaali Mareykanka ah ee markii ugu horreysay ka mid noqotay booliska Minneapolis?
Next articleBeesha Dir oo Maalikii 6aad uu U xiranyahay Garoonka Diyaarada Caabudwaaq