Home Wararka Maanta Dagaal Sadex Jeer laisku laabtay oo Ka Socda Gobalka Galgaduud Galmudug

Dagaal Sadex Jeer laisku laabtay oo Ka Socda Gobalka Galgaduud Galmudug

0

Dagaal Culus oo Waqti Badan Qaatay ayaa Maantay Kasocda Gobalka Galgadud Dagaalka ayaa U dhaxeeya Ciidamada Dowlada iyo Kuwa Macawislayda Abgaal oo isku dhinac ah iyoo Kooxda Alshabaab.

Kooxda Alshabaab ayaa Saakay Weerar aan maalmahan noocisa La arag kuso Qaaday Ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa macawislayda oo ku Sugnaa Degaan lagu magacaabo Ceel Xasan Cali kaas oo Hoostaga Degmada Galcad ee Gobalka Galgaduud.

Dagaalkaan oo Saacado badan Qaatay ayaa Ciidamada Dowlada iyo Kuwa Macawislaydu Heleen Gurmadyo Xoogan oo Ka baxay Ceeldheer kuwaas oo ku Biiray Dagaalka Lagu soo Qaaday Ciidamada Ku Sugnaa Deegaan Xasan Cali.

Gurmadkaan ayaana Dagaal Qaraar lagalay Alshabaab kuwaas oo Dhabarka U saaray Guuldaro Balse Alshabaab ayaa Markale Kusoo Rogaal Celiyay Ciidamadii is Garabsanaayay kaas oo wali Kasocda Dagaal aan waxba Laiskula reeban.

Dowlada Soomaaliya ayaana Wali Wax Hadal ah Kasoo Saarin Dagaalkaan oo Saakay Alshabaab soo Qaadeen Galmudug ayaa Haatan waxaa Si toos ah uga Bilowday Dagaalka la Doonaayo in Alshabaab looga saaro Galmudug.

dhanka kale Gobalka Mudug ayaa Maalmihii Lasoo Dhaafay Waxaa Sidoo kale Kasocda Dagaal La donaayo in alshabaab looga Qabsado Magaalada bacaadweyn Shabelooe iyo Qaycad.

 

Ad
Previous articleM.D Xasan Sheekh Maxamuud oo loo jeediyay eedeyn culus oo la xiriirta inuu akoon gaar ah ku shubto lacagaha kasoo xarooda….
Next articleKooxda Xisbullah oo sheegatay masuuliyadda weerar gantaalo oo lagu qaaday saldhigga ciidamada badda Israil