Dagaal aad u culus ayaa saakay goor hore ka qarxay Duleedka degmada Afbarwaaqo gaar ahaan degaanka Buq qalooc Dagaalkaan ayaa dhexmaray lama maleeshiyo beelood oo kasoo kala jeeda Maamulada Galmudug iyo Puntland.
Dagaalkaan ayaa si gaar ah u dhexmaray Beelaha Shiikhaal loobage iyo Dir kuwaas oo dagaalo hore ku dhexmareen isla deegaanka Buq qalooc Dagaalka saakay ayaana dhaliyay Khasaaro lixaad leh oo labada dhinac kala gaaray.
Dagaalka saakay ayaa waxaa qaaday Beesha Shiikhaal loo boge oo ku qaaday Beesha Dir oo horay uga qabsatay Magaalada Buqqalooc kuwaas oo dagaal hore looga soo saaray Beesha Shiikhaal Beesha Shiikhaal ayaana saakay Dioonaysay inay Dib uqabsadaan Magaladoodii.
Dagaal qaraar kadib ayaa laxaqiijiyay in Beesha Shiikhaal loobage laga dilay 16 nin oo badan kood looga soo tagay Goobtiii Dagaalka sidoo kale daawacyo badan aya lasoo wariyay inay gaareen beesha Shiikhaal Gaari nooca Dagaalka ahna waa laga qabsady Beesha Shiikhaal loobage.
Xaalada ayaa la sheegay inay haatan dagantahay Goobihii lagu dagaalamayna waxaa ku sugan Beesha Dir lamana oga Khasaaaraha Rasmiga ah ee Beesha Dir gaaray.