Home Wararka Maanta Dagaal Qaraar oo Maantay Ka Dhacay Lubnaan oo askar Israil ah lagu...

Dagaal Qaraar oo Maantay Ka Dhacay Lubnaan oo askar Israil ah lagu laayay

0

Milatariga Israa’iil ayaa waxay sheegeen in laba ka mid ah askartooda uu dhaawac halis ah ka soo gaaray dagaal ka dhacay koonfurta Lubnaan saaka.

War ay soo saareen ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa waxaa lagu sheegay in mid ka mid ah ciidamada keydka iyo saarkaal kale oo ciidan oo ka tirsan qaybta 9220 aad, guutada 6 aad ay ku dhaawacmeen laba dagaal oo laba meel ka kala dhacay.

Waxaa intaas ay ku sii dareen in “in dhowr askari oo kale ay soo gaareen dhaawacyo fudud” dhamaantood loo qadayisbitaal lagu daweeyo. IDF ayaan faahfaahin ka bixin meesha sida saxda wax uga dhaceen.

Xisbullah oo dagaal ba’an kula jirta IDF koonfurta Lubnaan ayaa waxay iyana dhankooda soo saareen war sheegaya in ay ciidamo ka laayeen Israa’iil kadib dagaal saaka oo Axad ahayd ka dhacay xaafada Ramiya – taas oo aad ugu dhaw xad Israa’iil iyo Lubnaan.

BBC da ayaan xaqiijin karin xogahaan iyo in ay ka hadlayaan dagaal isku mid ah iyo in kale.

Ad
Previous articleRaysulwasaaraha Soomaaliya oo dhagax Dhigay Tuulada…
Next articleIsraa’iil oo sheegtay in Xisbullah 320 gantaal ku soo tuurtay shalay