Home Wararka Somaliya Puntland Dagaal Qaraar oo maantay Ka dhacay Gobalka Mudug

Dagaal Qaraar oo maantay Ka dhacay Gobalka Mudug

0

Faahfaahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed maanta ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Mudug, kaas oo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo wada daga halkaasi.

Dagaalka oo ka dhacay degmada Xarfo ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen laba maleeshiyo beeleed oo ku wada sugan halkaasi, waxaana ka dhex qarxay dagaal toos ah.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan ay ku dhinteen laba ruux, kuna dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka uu salka ku hayo is qab-qabisga ceel-biyood habeen kahor lagu gubey deegaan dhanka Galbeed ka xiga degmada Xarfo ee gobolka Mudug.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo gobolka kamid ah, gaar ahaan aagga lagu dagaalamay.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta maamulka Puntland oo ku aadan dagaalkaasi sababay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca.

Ad
Previous articleMadaxweynaha Faransiiska oo ku Dhawaaqay inuu Itooobiya ku Taageerayo Gaarista Niyaha Soomaliya
Next articleCiro oo Markii ugu Horaysay Ka hadlay Sida uu ka Yeellaayo Dagaalada SSC kaahtuma iyo Soomaliland