Dagaal Qaraar oo kasocda Degmada Ceelbaraf oo kooxda alshabaab wali Gacanteeda ku jira Ciidamada dowlada oo ka shanaaya kuwa macawislayda ayaa weerar culus oo dhowr jiha ah ku qaaday alshabaab kii kusugnaa degmada ceelbaraf.
dowlada soomaaliya ayaana go,doomisay dhawaan alshabaabka kusugnaa degmadaas kuwaas oo dadka deegaanka gabaad ka dhigtay una diiday inay qaxaan si aan alshabaab loogu duqayn ama dagaal culus loogu qaadin.
galabtay ayay dowlada soomaaliya dagaaal qaraar oo wali socda ku qaaday degmadaas alshabaab ayaa ayaguna dagaal culus kala hortagay ciidamada dowlada kaas oo haatan socda.
Ciidamada Dowlada ayaana iskud dayaaya inay Alshabaabka kusugan ceel baraf oo qofna ka badbaadin balse alshabaab ayaa qorshe lama filaan ah galabtay kusoo dagaal galay Alshabaab ayaa magaalada Dhan ku wareejiyay Taagirada Baabuurta kuwaas oo dab qabadsiiyay markii ay xabadu bilaabatay.
qorshahaan layaabka leh ayaa alshabaab usuurta galiyay in Diyaaradihiii Dagaalka ee Duqaynta ka qayb qaadan lahaa ay arki waayeen ashabaab taas oo diyaaradaha dagaalka ku kaliftay inay dib ulaabtaan.