Home Wararka Somaliya Jubbaland Dagaal Qaraar oo Ka Dhacay Doolow iyo Ciidamada Itoobiya oo ka Qayb...

Dagaal Qaraar oo Ka Dhacay Doolow iyo Ciidamada Itoobiya oo ka Qayb Qaatay

0

Dagaal Qaaraar ayaa maantay Duhurnimadii ka dhacay Magaalada Dooloow ee Gobalka Gedo dagaalku waxuu u dhaxeeyaa Ciidanka Nabadsugida Dowlada Federaalka iyo Daraawiishta Jubbaland oo ay kamid yihiin ilaalada Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland.

Ciidamada Jubaland ayaana La sheegay in laga Saaray inta Badan Magaalada Dooloow Banaankana Laiskugu geeyey Intaas kadib ayaa La Xaqiijiyay in Ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugnaa Magaaladaas ayaa dagaalka Kusoo Biireen kuwaas oo garab siiyay Kuwa Jubaland.

Dagaal Roogaal celis ah Kadib ayaa Lasheegay in Ciidamada Dowlada Marlabaadkii lagu celiyay Goobahoodii Hore Xabad ayaana Goordhow Joogsatay ayadoo ay jiraan Khasaaro ba’aan oo kala Gaaray labada Dhinac.

Ciidamada nabadsugida Gedo ayaa Ku dhawaaqay ina Ciidamada Itoobiyaa Dagaalka Qayb wayn ka qaateen Diyaarad kasoo Duushay Kismaayo ayaana Ka dagtay Magaalada Dooloow oo dowlada Soomaaliya Dhawaan Xirtay Airboorkeeda.

Dowlada Soomaaliya ayaana Wafdi Deg deg ah u dirtay Adisabab wafdigaan waxaa Hogaaminyaaya Cali Balcad wasiir ku xigeenka Arimahada Dibada Dowlada Soomaliya Dowlada ayaana Doonaysa in Ciidamada Itoobiya Garab ku siyaan Sidoo Gobalka Gedo Gacanta Ugu dhigi lahaayeen.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Wafdigii Ugu horeeyey U dirtay Adisababa kadib Heshiiskii ankara
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Khasaaraha Ka Dhashay Dagaalkii Dooloow iyo Nabadoono Xabsiga Ka dhigay