Home Wararka Maanta Dagaal Qaraar oo Gadiid Dagaal lagu Kala Furtay oo Saakay Markale Ka...

Dagaal Qaraar oo Gadiid Dagaal lagu Kala Furtay oo Saakay Markale Ka Qarxay Gobalka Mudug

0

Saakay Aroortii Ayaa Dagaal aad u Culus Ka Qarxay Gobalka Mudug Dagaalkaan ayaana U Dhaxeeyey Laba Maleeshiya Beelood oo Kasoo Kala Jeeda Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Dagaalkaan ayaana Ka dhacay Buqalooc oo U dhaxaysa Degmada Afbarwaaqo iyo Towfiiq Dagaalkaan oo aad U cuslaa laiskuna Adeegsaday Hubka nuucyadiisa kala Duwan ayaa U dhaxeey Beesha Dir iyo Beesha Shiiqaal kuwaas oo Maalin ka hor  Dagaal ay ku dhinteen Laba Dir ah Dhexmaray.

Beesha Dir ayaana La sheegay inay Saakay Dagaal Aar goosi ah kusoo Qaadeen Beesha Shiikhaal oo kaas oo Wali kas oconaaya Buqqalooc Dagaalkaan ayaana La sheegay in Durbadiiba Khasaaro Culus oo Dhimasha Iyo Dhaawac ahba Kala Gaaray Waloow aan Wali Tira Rasmi ah Lahayn.

wararka Hordhac ah ayaa Sheegaaya ina Gaari Dagaal Laga Furtay Beesha Shiikhaal kaaso oo Gacanta Ugalay Beesha Dir Gobalka Mudug ayaa Waxaa aad uga Socda Dagaal Beeleedyo Soo laalaabtay kuwaas oo Maamulka Puntland iyo Galmudug ay Maarayn la,yihiin.

Ad
Previous articleMraykanka oo Sheegay inay Alshabaab La wareegi Doonta Soomaliya Hadii …..
Next articleATMIS Oo Ciidanka Xoogga Dalka Ku Wareejisay Saldhigoodii Cabdalla Biroole

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here