Home Wararka Maanta Dagaal Qaraar kadib Alshabaab oo Gacantooda Laga Saaray Degmada Wabxo

Dagaal Qaraar kadib Alshabaab oo Gacantooda Laga Saaray Degmada Wabxo

0

Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya ciidamada shacabka deegaanka ayaa galabta si buuxda ula wareegay degaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud oo ah goob aad u muhiim ugu aheyd Al-shabaab, degmada Ceelbuurna u jirta 46km.

Wasiir ku-xigeenka warfaafinta dowladda Somalia Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa xaqiijiyey in ciidamadu ay si buuxda ula wareegeen Wabxo iyo deegaano kale, kuwaasoo in muddo ah Al-shabaab ay gacanta ku heysay.

Ciidamada ayaa hadda ka wada magaalada hawlgal lagu xaqiijinayo amniga, miinooyinkana looga saarayo.

Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ayaa sidoo kale la wareegay deegaano balaaran oo ay ka mid yihiin Jaaw, Daadaale, Gal qoryaale, Bidda Ciise, iyo goobo kale .

Ciidamada dawladda iyo kuwa deegaanka ayaa gulufkaan cusub ee hadda socda waxa ay xoogga ku saareen sifeynta keymaha iyo dhulka hawdka ah ee ku teydsan jidadka la isaga gudbo goballada Shabellaha Dhexe iyo Galgaduud, halkaas oo ahaa gabbaadyo muhiimka ah oo ay argagaxisadu ku talogalayeen inay isugu geeyaan awoodooda, marka laga soo saaro magaalooyinka ay hadda ku hareen.

Istiraajiyada howlgalkan ayaa loogu talogalay in cuddudda argagaxisada lagu wiiqo dagaallo toos ah oo duurka lagula galayo, si hal mar loogu wada jebiyo duur iyo deegaannaba, loogana wada saaro goballada Dhexe.

Howlgalladii hore ee magaalooyinka badan lagu soo xoreeyay ayaa waxa barbarsocday halista weerarro waxyeello badan geystay oo ay argagaxisadu ku soo qaadi jirtay deegaannada ay marka hore isaga baxdo. Waxayna taas ahayd dhaliil weyn oo dadka arrimaha milatariga yaqaana ay u jeedinayeen qorshaha dagaal ee dawladda.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleNinkii Swedan ku Gubay Kitaabka Quraanka oo Lagu Weeraray Dalkaas iyo Dhaawac Soo Gaaray(Sawiro)
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Xaalada Magaalada Ceelbuur iyo Alshabaab oo Wajahaya Xaalada Cakiran?