Home Wararka Somaliya Galmudug Dagaal Markale Saakay Ka Qarxay Qaayib ee Galmudug

Dagaal Markale Saakay Ka Qarxay Qaayib ee Galmudug

0

Dagaal beeleed manta markale ka qarxay inta u dhaxeysa deeganada Qaayib iyo Xiindheere oo kuyaala bariga Galgaduud

Deegankan lagu dagaalamayo oo lagu magacaabo Meygaag-gudle ayaa shalay waxaa ka dhacay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac waxaana haatan lasoo warinayaa in manta markale dagaal dib uga qarxay kaasi oo u dhaxeeya beelihii shalay dagaalamay.

Dagaalkaan ayaa U Dhaxeeya Beelaha Saleebaan iyo Duduble kaas oo Shalay Dagaal Culus Dhexmaray.

Waana Dagaal Sadexaad ee Maantay Kaliya Kasocda Galmudug Duleedka Balanbale ayaa Waxaa Kasocda Dagaal kaas oo U dhaxeeya Maraxaan iyo Cayr Sido kale Duleedka Dhusamareeb Waxaa Ka Socda Dagaal U Dhaceeya Isla Beesha Cayr Gaar ahaan Cabsiiye iyo Yabar Dhabarkace.

Maamulka Galmudug ayaana Wali ka Hadlin Dagaaladaan saakay Ka Holcaaya Qaybo ka Mid ah Galmudug.

Ad
Previous articleIran oo la sheegay in ay jabsatay xogtii ololaha Donlad Trump
Next articleSuuqa Boosaaso oo Maalintii Labaad Xiran Kadib Markii………