Ciidamada Ruushka ayaa la kulmay in ka badan 1,100 oo dhimasho ah in ka yar hal toddobaad dagaallo ka dhacay meel u dhow magaalada Bakhmut ee bariga Ukraine, oo ah halka xudunta u ah dagaalka bariga Ukraine sidaas waxaa sheegay madaxweynaha Volodymyr Zelenskiy.
“In ka yar hal toddobaad, laga bilaabo 6-dii Maarso, waxaan ku guuleysannay inaan dilno in ka badan 1,100 askari oo cadaw ah qaybta Bakhmut oo keliya, Khasaaraha aan gaarsiinay cadowga waa mid aan laga soo kaban karin, ” ayuu yiri Zelenskiy.
Waxa uu sheegay in ciidamada Ruushku ay sidoo kale soo gaareen 1,500 oo askari oo si xun uga dhaawacmay. “Daraasiin ka mid ah qalabka cadowga ayaa la burburiyay iyo in ka badan 10 bakhaar oo rasaasta Ruushka ah” ayuu yiri madaxweynaha Ukraine.
Ukraine iyo Ruushka ayaa Sabtidii sheegay iney boqolaal ka tirsan ciidamadooda iskaga dileen dagaalka Bakhmut, iyadoo Kyiv ay iska difaacday weeraro aan kala joogsi lahayn, webi yar oo kala qaybiya magaalada ayaa hadda calaamad u ah jiidda hore ee cusub.
Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa iyana sheegtay in ilaa 210 askari oo Yukreeniyaan ah lagu dilay guud ahaan Donetsk qeybta hore ee dagaalka.
Inkastoo Moscow aysan sheegin khasaaraha dagaalka Bakhmut haddana waxay ahayd mid ka mid ah dagaalladii ugu dhiigga badnaa uguna dheeraa dagaalka muddada sanadka ah socda
Labada dhinacba waxay qirteen in ay dhibaato iyo khasaare baaxad leh ka geysteen Bakhmut, iyadoo ay adag tahay in si madax bannaan loo xaqiijiyo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi.
Sirdoonka millatariga Britain ayaa Sabtidii sheegay in kooxda calooshood u shaqeystayaasha ee Wagner ee Ruushka ay la wareegeen inta badan bariga Bakhmut.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA