Home Wararka Maanta Dagaal laga cabsi qabo inuu markale ka qarxo israil iyo xamaas

Dagaal laga cabsi qabo inuu markale ka qarxo israil iyo xamaas

0

Wasiirka Gaashaandhigga Israa’iil ayaa Arbacadi wacad ku maray, in cadaab daran oodda laga qaadi doono, haddii Xamaas ay ku guul-darreysato sii deynta la heystayaasha dhammaadka todobaadkan.

Tani ayaa ah hanjabaadi u danbeysay ee ka dhan ah Xamaas oo kasoo baxda Isra’aail, xilli dhex-dhexaadiyaasha ay ku dadaalayaan sidi ay u badbaadin lahaayeen heshiiska 42-ka maalin ah ee ay kala dhex dhigeen Israa’iil iyo Xamaas.

Muranka cusub ee halista ku noqday heshiiska xabbad-joojinta labada dhinac ayaa soo shaac baxay, kaddib marki ay Xamaas ku eedeysay Isra’il in ay jebisay qaar ka mid ah ballan-qaadyadii ay sameysay, oo ay ku jiraan in teendhooyin la gaarsiiyo barakacayaasha Gaza, in gargaarka lasoo geliyo iyo arrimo kale.

Xamaas waxay sheegtay in ay dib u dhigeyso sii deynta la heystayaasha la filayay in Isra’il loo gacan geliyo Sabtida soo socota.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii ka digay, in haddii aan la soo deynin la-haystayaasha Israa’iil ee lagu hayo Gaza duhurnimada Sabtida soo socota, uu soo jeedinayo in la baabi’iyo heshiiska xabbad-joojinta ee Israa’iil iyo Xamaas.

Waxaa isna hadalkaasi la mid ah ka dhawaajiyay Talaadadi, ra’iisul wasaaraha Isra’il, Banjamin Natanyahu.

Kulan Dhexmaray Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Dhigiisa Jabuuti Ismail:- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga

Israel oo Duqeymo ka geysatay Saldhigyo uu la Wareegayo Turkiga

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa fuliyey in ka badan 15 duqeyn oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Hama, taasoo socotay xalay qiyaastii saacad iyo bar. Afhayeenka ciidamada Israa’iil ayaa sheegay

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Ad
Previous articleGabar Soomaali ah oo ka mid noqotay dadkii lagu laayay Swedan
Next articleDagaal maantay Markale dhexmaray beelaha Sacad iyo laylkase