Home Wararka Maanta Dagaal Khasaaro Dhimasho iyo Dhawac Gaystay oo Ka Dhacay Muqdisho

Dagaal Khasaaro Dhimasho iyo Dhawac Gaystay oo Ka Dhacay Muqdisho

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor imaad khasaare sababay oo xalay ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaas oo u dhexeeyey ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Somalia iyo rag hubeysan.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay rag hubeysan weerar gaadma ah ku qaadeen bar koontarool oo ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin agagaarka Masjidka Turkiga oo ku yaalla waddada ka baxda isgoyska Fagax ee aada xaafadda Jamuuhuriyo ee Kaaraan.

Inta la xaqiijiyey waxaa is rasaaseynta labada dhinac ku geeriyooday hal qof, iyada oo uu dhaawac soo gaaray askari ka mid ah ciidamadii ku sugnaa koontaroolka la weeraray.

Qofkla dhintay ayaa ahaa wiil dhalinyaro ahaa oo magaciisa lagu sheegay Sakariye Cabdullaahi Sabriye, kaas oo ka mid ahaa dadka deegaanka, sida uu xaqiijiyey goobjooge.

Sidoo kale waxaa goobta goor dambe gaaray ciidamo kale oo dheeraad ah oo hwolgal kooban ka sameeyey goobta, inkastoo ay baxsadeen dableydii soo qaaday weerarka.

“Ciidamo ka tirsan booliiska dowladda oo ku sugan bar lagu hubiyo gaadiidka waxaa soo weeraray koox hubeysan, xiligii israsaaseyntu dhaceysay waxaa goobta marayaya dad shacab ah oo uu kamid yahay AHUN Sakariye Cabdullaahi Sabriye” ayuu yiri goobjooge.

 

 

 

Ad
Previous articleAhlusuna oo Codsi U Dirsatay Madaxweyne Xasan Shiikh
Next articleXiisada Siyasadeed ee Ka Taagan Soomaaliland oo Cirka isku Shareertay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here