Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare geystay oo maanta ka dhacay qaybo kamid ah degmada Raaga Ceelle ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo uu dhexeeyay burcad hubeysan iyo ciidamada ammaanka ee degmadaasi.
Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamada dowladda Soomaaliya ay weerar ku qaadeen goob ay isbaaro u tiilay rag hubeysan, isla-markaana ay ku hayeen ku dhowaad ilaa 10 baabuur, si ay uga qaataan lacago baad ah.
Guddoomiyaha degmada Raaga Ceelle oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa ka warbixiyay iska hor imaadkaasi, wuxuuna sheegay inuu ka dhacay dhanka waddada marta xeebta, halkaas oo ay ku dagaalameen labada dhinac.
Ad