Home Wararka Maanta Dagaal goordhow Ka Qarxay Duleedka Degmada Cadale

Dagaal goordhow Ka Qarxay Duleedka Degmada Cadale

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay dagaal beeleed khasaare gaystay uu ka dhacay duleedka degmada Cadale ee gobolkaasi.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaan 10 kiilo mitir u jira magaallo xeebeedkaasi, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan illaa 3 qof ayaa ku dhintay dagaalka, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Maleeshiyaadka dagaalamay ayaa weli isku horfadhiya, waxaana lagu soo warramayaa inay helayaan gurmadyo, taas oo uga sii daraysa xiisadda ka jirta halkaasi.

Ma jiro illaa iyo haddda wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ee ku aadan aagga ay wax ka dhaceen.

Cadale ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada, waxaana deegaanada hoos yimaada degmadaas saameyn ku yeeshay dagaallo kusoo noq-noqday.

Dagaalka cusub ee dib uga qarxay aagga Cadale ayaa sidoo kale buriyay heshiis dhowaan laga gaaray colaaddii Shabeelaaha Dhexe, kadib dib u heshiisiin ay gobolka ka sameeyeen madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed iyo madaxda sare ee HirShabelle.

Ad
Previous articleJames Swam oo Gaaray Kismaayo iyo Amed Madoobe oo Xamar la keenaayo
Next articleRaysulwasaaraha Soomaaliya oo dhagax Dhigay Tuulada…