Home Wararka Maanta Dagaal Culus oo Markale Ka Qarxay Gobalka Mudug iyo Khasaaraha Ka dashay

Dagaal Culus oo Markale Ka Qarxay Gobalka Mudug iyo Khasaaraha Ka dashay

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed xoogan oo mar kale dib uga qarxay qaybo kamida gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa lasoo wariyay inuu xalay ka dhacay duleedka magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan aagga deegaanada Towfiiq iyo Afbarwaaqo ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaadka labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, Dagaalkaan ayaana Dhexmaray Maleeshiyaadka Kasoo Kala Jeeda Galmudug iyo Puntland Kuwaas oo Kala ah Dir iyo Shiqaal.

Khaasaraha Ilaa Hada kala Gaaray ayaa ah 2 dhimasha ah iyo Sadex Dhaawac ah oo gaartay Beesha Dir Halka Beesha Shiiqaal Dhaawacyo aan Badnayn Soo Gaaray

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa deegaanada lagu dagaalamay, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Gobollada dhexe ayaa waxaa ka taagan xaalad qasan oo ka dhalatay dagaal beeleedyo wajiyo kala duwan leh oo dib uga qarxay gobolladaasi, kuwaas oo gaystay khasaarooyin

Dagaalladan ayaa kusoo aaday, xilli Galmudug ay weli ka socdaan howlgallo lagula dagaalamayo maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo laga xoreeyay dhul ballaaran.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo ku Dhawaaqday Xiliga la Aasi Doono Gudoomiye Jawaari
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Wadahadalo Soomaliya iyo Itoobiya Uga Furmaaya Dalka Turkiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here