Home Wararka Maanta Dagaal Culus oo Maantay Ka Qarxay Xadka Hiraan iyo Shabeelada Dhexe

Dagaal Culus oo Maantay Ka Qarxay Xadka Hiraan iyo Shabeelada Dhexe

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed maanta dib uga qarxay xadka u dhexeeya gobollada Hiraan iyo Shabeelaha Dhexe, kaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa si gaar ah uga dhacay aagga degmada Jalalaqsi, waxaana uu u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed oo ku wada sugan halkaasi.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka ku dhintay ugu yaraan saddex qof, halka ay ku dhaawacmeen laba kale, kuwaas oo dhammaan maleeshiyaadkii dagaalamay.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada Xoogga dalka iyo mas’uuliyiinta maamulka HirShabelle oo ku aadan xiisadda kasoo cusboonaatay halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli is horfadhiya maleeshiyaadka diriray oo wada is uruursi ciidan, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada, waxaana saameynta ugu badan ay kasoo gaartaa dadka shacabka ah.

Sii socoshada dagaalladan ayaa laga digayaa, maadaama ay saameyn karaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda HirShabelle, kuwaas oo horay looga gaaray guulo waa wayn.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya iyo Koonfurgalbeed oo Kala Tagay Maxaa Dhacay maantay?
Next articleXukunka Dil ka dhashay muran ay sababeen Kaararka Barakacayaasha ee DegmadabXarardheere