Home Wararka Maanta Dagaal Culus oo lagu Dilay Alshabaab oo Maalinkii Labaad Ka socda…

Dagaal Culus oo lagu Dilay Alshabaab oo Maalinkii Labaad Ka socda…

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maalintii saddexaad oo xiriir ah ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ay howlgallo culus ka wadaan deegaano ka tirsan gobolkaas oo hoostaga Jubbaland.

Howlgalladan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanada kala ah:- Muuse-xaaji, Malaaylay, Turdho, Baxar-saafka iyo kuwa kale, iyada oo lagu dilay Al-Shabaab fara badan.

Xubnaha la laayey ayaa isugu jiro horjoogaal Soomaali ahaa, kuwa ajaaniib ah iyo maleeshiyaad kale, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay xaqiijiyeen in tirada dhimashada ay gaareyso illaa 35 xubnood oo isugu jiro saraakiil sar sare iyo dagaalamayaal, kuwaas oo loogu daaday godadkii ay ku jireen.

“Ciidamada ayaa cadowga ugu galay godadkii ay ku dhuumaaleysanayeen ee deegaanadaas, waxaana la dilay 35 Horjoogayaal iyo maleeshiyaad isugu jira Soomaali iyo Ajaabib” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay warbaahinta dowladda.

Sidoo kale waxaa la sii raaciyay “Horjoogeyaasha la dilay waxaa ku jira, Jaabir oo dhalashadiisu tahay Kenya horjoogihii sirdoonka Khawaarijta Saadiq iyo horjoogihii qaraxyada uqaabilsanaa oo lagu magacaabo Cabdiqani ayaa dhammaantood lagu dilay howlgalka sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidanka”

Dhinaca kale ciidamada ayaa inta uu socday howlgalkan kusoo qabtay illaa 7 kale oo ka tirsan kooxda Al-Shababa, kuwaas oo ay bandhigeen ciidamada huwanta ah.

Xaaladda ayaa weli kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaasu khasaaraha culus lagu gaarsiiyay.

Jubbooyinka ayaa maalmihii u dmabeeyay waxaa ka socday guluf ay iska kaashanayaan dowladda iyo Jubbaland, si Al-Shabaab looga xoreeyo gobolladaas oo ay ku xoogan yihiin.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleXildhibaanada Jubaland oo Soo Wajahday Cabsi Xoogan
Next articleQalab culus oo Alshabaab loo Waday oo Gacanta Lagu Dhigay iyo Ragii waday oo Gacanta Lagu Dhigay