Home Wararka Maanta Dagaal Culus oo Ka Scoda Duleedka Magaalada Guriceel iyo Dagaal kale oo...

Dagaal Culus oo Ka Scoda Duleedka Magaalada Guriceel iyo Dagaal kale oo Ka dhacay Dhuusamareeb

0

Wararka ka imanaaya Gobalka Galgaduud ayaa Sheegaaya in Saakay Halkaas uu ka socda Dagaal Qaraar oo U dhaxeeya Beelaha Kala daga Degamada Guriceel iyo Balanbale Dagaalka Ayaana Maalmahaan Laisku Hub aruursanaayay.

Dagaalkaan ayaa U dhaxeeya Beelaha cayr iyo Mareexaan kuwaas oo Mararbadan uu Dagaal Qaraar Dhexmaray Dagaallkaan aya Yimid Kadib Markii uu Shalay Dilal Gaadmo ah Dhexmaray Beelahaan.

Khsaaraha Ilaa Hada La xaqiijiyay ayaa La sheegay inay Ku Dhinteen Sadex Ruux oo kasoo Jeeda Beesha Mareexaan Sidoo kale Dagaalka oo wali Socda Lama Ogaan Karo Khasaaraha Rasmiga ah ee Ka dhashay.

Beesha ayaanle Cayr ayaa Ka xumaaday Garoon Dhawaan Laga Furay Degamada Balanbal kuwaas oo Beesha ayaanle Cayr Ay Sheegeen Inay isku Hayteen Garoonka Maantay ay Dhisteen Beesha mareexaan Kuwaas oo Digniin Udiray Diyaarada Kudaga Garoonkaas Qoor Qoor ayaana Maalmo kahor Xariga kajray Garoonkaas.

Dhanka kale Dagaal Saakay Ka dhacay Duleedka Dhuusamareeb ayaa La sheegay inay Ku dhinteen Laba Ruux Dagaalkaan ayaa Dhexmaray isla Beesha Cayr Kuwaas oo kala ah Yabardhowrkace iyo Cabsiiye Kuwaas oo isku qabsaday Dhul Ku yaalay Duleedka Dhuusamareeb.

Labada Ruux ee dhintay iyo Qofkale oo dhaawac aha aaya La xaqiijiyay In lasoo Qaaday Gudaha Dhuusamareeb Ciidamada Booliska oo isku dayay inay kala Qaadaan Labaan Maleeshiyo Beelood ee Walalaha ayaa Ku fashilmay Waxaan Hataan Ku howlan Ciidamada Nabadsugiga Galmudug kuwaas oo Isku dayaaya inay Dagaal Kale uu san Dhicin.

Galmudug ayaana Bilahaan Martigalisay Dagaaladii ugu Badnaa ee Dhexmara Qabaailka Wada Daga Galmudug.

Ad
Previous articleQoor Qoor oo Bilaabay Xilka Qaadis Qofkii uu ka shakiyo Iyo Wasiiro U Magacaabay
Next articleIran oo la sheegay in ay jabsatay xogtii ololaha Donlad Trump