Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar qorsheysan oo ay maanta ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen xoogaga Shabaab oo ku yaalla agagaarka deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
Howlgalkan ayaa waxaa lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku yaalla tuulada Xaawo Gacal oo hoostegta deegaanka Budbud oo ay shalay la wareegeen ciidamada huwanta ee haatan howlgallada ka wada gobollada Galgaduud iyo Mudug.
Warbaahinta dowladda ayaa shaacisay in weerarkan khasaare culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, isla-markaana looga dilay 9 xubnood, kadibna la burburiyay fariisimo ay ku lahaayeen halkaasi.
Sidoo kale saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay in weli uu socdo howlgalka, isla-markaana ay faahfaahin guud ka bixin doonaan marka uu soo dhammaado.
Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in weli dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga darermayo qaybo badan oo ka mid ah gobolka Galgaduud.