Hubkooda ayay qaateen Shacabka magaalada Cadakibir ee gobolka Galgaduud, iyagoo go’aansaday in ay iska dhiciyaan kooxda Alshabaab oo magaaladaan iyo deegaano hoos yimaada duulaan ku ah.
Gurmad balaaran oo isugu jira saanad Ciidan, raashin iyo taageero kale ayay Gudoomiyaha degmada Cadaado Farah Dirie Warsame, xildhibaan Abdi Takiye Farah, wasiir Xasan Cascasey iyo masuuliyiin kale maanta gaarsiiyeen shacabkan is abaabuley, si ay iskaga difaacaan cadawga duulaanka ku ah naftooda, hantidooda iyo dhulkooda.
Ad