Kacdoon hubeysan ayaa maanta si rasmi ah uga bilowday magaalada Lughaya ee gobolka Awdal kadib markii ay Itoobiya shaacisay in dhul badeedka loo saxiixay uu yahay Lughaya.
Dhalinyarada warbaahinta la hadlay ee qeybta ka ah Kacdoonka ka bilowday Lughaya ayaa sheegay in ay dagaal ka xigaan heshiiskii Addis Ababa, “Dagaal ayaa ka xigna nooc walba leh oo hubkayagii waaka, Orom xaar weyn in uu baddeena yimaado ma ogolin.”
Sidoo kale waxay si cad u sheegeen in badda leeyihiin dadka Soomaaliyeed, ayna laheyn qabiil gaar ah, iyaga oo Somaliland ka horyimid, ganafkana ku dhuftay damaca guracan ee ay ku gacan siineyso Itoobiya.
“Somaliland wax la yiraahdo ma garaneyno. Somaliland dhulka iibineysa ma dooneyno, waxaa aqoonsaneyna oo horena u aqoonsaneyn dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.”
Waxay intaas kusii dareen “Dhulkana Soomaali ayaa leh waa ku cel-celinaynaa qabiil ma leh, cid kalena ma lahan. Dadka Ilaahay dhulka wuu ku kala abuuray oo qabiilba meel ayuu ku abuuray laakiin waxaa u sheegayna Umadda Soomaaliyeed dhulka Soomaali baa leh oo cid kale looma daba fadhiisanayo.”
Somaliland ayaa sheegtay in weli la isla qaadan goobta laga siinayo dhul badeedka, balse Itoobiya ayaa dhankeeda shaacisay in ay doorteen dhanka Lughaya, islamarkaana 20KM ay ka badan karto dhulka ay rabaan, sida uu telefishanka Dowladda Itoobiya u sheegay La-taliyaha amniga Qaranka ee Itoobiya, Redwan Hussein.

