Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Dadaalo Xal loogu Raadinaayo Khilaafka Madax Sare ee Hirshabeele oo Baladweyne Kasocda

Dadaalo Xal loogu Raadinaayo Khilaafka Madax Sare ee Hirshabeele oo Baladweyne Kasocda

0

Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ka socda kulamo xal loogu raadinayo khilaaf dhinaca doorashada oo soo kala dhax galay Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe iyo kuxigeenkiisa Yuusuf Dabageed.

Khilaafka labada masuul ayaa ka dhashay doorashada Xildhibaanada gollaha shacabka ee harsan gaar ahaan kuwa ee leeyihiin Beelaha Xawaadle iyo Gaaljecel uu rabo Yuusuf Dabageed in loo xiro musharaxiin uu si gaar ah u wato.

Xarunta uu degan yahay Madaxweynaha Hirshabelle ayaa kulamo waxa uu uga socdaa Cali Guudlaawe, Yuusuf Dabageed, Musharaxiin Xildhibaano iyo qaar kamid ah odayaasha dhaqan gobolka Hiiraan.

Kulamadan ayaa xal loogu raadinayaa khilaafka madaxda sare ee Hirshabelle iyo sidii magaalada Baledweyne uga dhici laheyd doorashada kuraasta harsan iyada oon wax dhibaato ah halkaasi ka dhicin.

Qaar kamid ah musharaxiinta Xildhibaano ayaa ku hanjabay in aysan oggolaan doonin in magaalada ka dhacaan doorashooyin dad gaar ah loo xiray, waxa ayna dalbadeen in doorashada noqoto mid furan oo loo wada tartamo.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa wararku sheegayaan in uu maanta ka baaqday safar uu uga soo tagi lahaa Baledweyne,waxa uuna isku dayayaa in xal loo helo khilaafka dib u dhaca u keenay doorashada kuraasta ku harsan Baledweyne

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMaxamed Adan maxamed oo Maantay Xukun Dil ah Lagu Riday
Next articleRuushka oo ku dhawaaqay Dagaal ka Dhan ah Maraykanka