Dalka Pakistan ayaa maanta waxaa lagu qabtay aaska meydadka dadkii ku dhintay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lala beegsaday dad u dabaal dagayey xuska Mawliidka bannanka masjid ku yaala magaalada Mastung ee dalka Pakistan.
Gobolka Balochistan ayaa ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroor diiq ah. Ugu yaraan 52 qof oo ka qeyb qaadanayay xuska dhalashada Nabiga (NKH) ayaa lagu dilay gobolka Balochistan ee koonfur galbeed Pakistan, waxaana weerarkan loo arkaa kii ugu khasaaraha badnaa ee dalkaasi ka dhaca bilo gudahood.
Dawladdu waxay ballan qaadday inay gacanta ku soo dhigi doonto dadkii ka dambeeyay weerarkaas, isla markaana sharciga la horkeeni doono.
Ad