Home Wararka Maanta Dab xooggan oo ka kacay xarun muhaajiriin lagu hayo iyo Dhimasho iyo...

Dab xooggan oo ka kacay xarun muhaajiriin lagu hayo iyo Dhimasho iyo Dhaawac ka dhashay

0

Dab xooggan oo dhimahso sababay ayaa ku faafay xarun lagu hayo muhaajiirinta oo ku taalla magaalada Ciudad Juárez oo saaran xadka Mareykanka iyo Mexico.

Ilaa 70 qof ayaa la rumeysan yahay inay ku jireen gudaha xaruntan oo uu gacanta ku hayo Machadka Socdaalka Qaranka, markii uu dabkan kakacay halkaas.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in ugu yaraan saddex qof ay ku dhinteen dabka.

Ma jirto weli xog rasmi ah oo oo dhacdadan laga soo saaray, balse wakaaladda wararka Efe ayaa sheegtay in weriyeyaasheedu ay arkeen bacaha meydadka oo safan bannaanka xaruntan.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in dhismaha uu dabku ka kacay ay ku jireen muhaajiriin ay saraakisha dalkaas halkaasi geeyeen shalay.

Xaruntan ayaa ku taalla meel u dhow Buundada Stanton-Lerdo, taasoo xiriirisa Mexico iyo Mareykanka.

Ma jirin war rasmi ah oo ka soo baxay oo ku saabsan waxa sababay dabka balse wargeysyada gudaha ayaa sheegaya in carqalad dhanka korontada ah ay ka jirtay gudaha xarunta kahor inta uusan dabku kicin.

Sawirro ay baahisay wakaaladda wararka Reuters ayaa muujinaya tiro meydad ah oo lagu daboolay bustooyin oo yaalla bannaanka dhismaha.

Dhibbaneyaasha badankood ayaa loo maleynayaa inay ka soo ejedaan dalka Venezuela iskuna dayayeen inay u gudbaan Mareykanka.

Ciudad Juárez, oo ah magaalada Mexico ka tirsan ee ku taalla meel u dhow webiga Rio Grande oo ka soo billowda El Paso, Texas, ayaa waxaa dhowaanahan ku soo qulqulayay dad badan.

Inta badan muhaajiriinta ayaa u socday xadka koofureed ee Mareykanka iyagoo rajo ka qabay in la soo afjaro Title 42, oo ah siyaasad dowladda Maryekanka awood u siineysa inay si degdeg ah isaga cayriso muhaajiriinta doonaya inay u gudbaan xadkeeda.

Title 42, oo u oggolaaneysa in ka saraakiisha xadka ee Mareykanka ay u diidaan shakhsiyaadka isku dayaya inay galaan Mareykanka si looga hortago cudurrada faafa, ayaa makrii ugu horreysay la hirgeliyay billowgii xanuunka safmarka ah ee Covid.

Maamulka Biden ayaa ku dhawaaqay qorshihiisa ah inuu soo afjaro siyaasadihii xilligii Trump balse haatan wlei taasi ma suurtogelin.

Tan iyo markii qorshahaas lagu dhawaaqay, waxaa korortay tirada muhaajiriinta gaareysa Ciudad Juárez ee sugeysa suurtogalnimada ah in la qaado xayiraaddaas.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleGaraadada SSC oo War Kasoo Saaray Dagaalka ay Soomaaliland Shalay ku dhawaaqday
Next articleUgu yaraan 20 qof oo cumro u tagay Sacuudiga oo ku dhintay shil