Home Wararka Maanta Dab xooggan oo ka kacay Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho

Dab xooggan oo ka kacay Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho

0

Dab xooggan ayaa goordhoweyd ka kacay qeybo kamid ah Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho, ayada oo uuro cirka isku shareertay si weyn looga arkayay meelo kamid ah caasimadda.

Wararka hordhaca ah ee laga helayo dabka xooggan ee ka kacay Isbitaalka Martiini oo ay maamusho dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in qeybo kamid ah Isbitaalka ay gubaneyso.

Agaasimaha Isbitaalka Martiini Dr. Cabdirisaaq Yusuf Axmed Jalaludiin oo qoraal kooban kusoo qoray bartiisa bartiisa Facebook ayaa waxa uu dalbaday in si deg deg ah loogu soo gurmado.

“Fadlan dab-damis dag dag noo waca Isbitaalka Martiini wuu gubana,” ayuu ku yiri qoraalkiisa “Fadlan naga soo gaara Isbitaalka wuu gubanaa.”

Uuro madow oo ka baxeysa Isbitaalka ayaa cirka isku shareertay, sida lagu arkayo Sawirro laga soo qaaday goobta.

Wararka ayaa intaas kusii daraya inay socdaan dadaalo ku aadan sidii loo damin lahaa dabkaas.

Ad
Previous articleAqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyey sharciga Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta
Next articleAlshabaab oo Kahor Bisha Ramadaan Laga Saraayo Deeganada Galmudug iyo Qorshe culus oo la Dajiyay