Home Wararka Maanta Dab Culus oo xalay Ka Kacay Xarunta Danbi Baarista CID iyo Booliska...

Dab Culus oo xalay Ka Kacay Xarunta Danbi Baarista CID iyo Booliska oo war kasoo saaray

0

Taliska ciidamada booliska Soomaaliyeed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay dab xoogan oo xalay ka kacay dhismaha Xarunta Laanta Dambi baarista C.I.D, kaas oo si weyn looga dareemay caasimada.

Qoraalka booliska ayaa waxaa lagu sheegay in dabka uu ka dhashay koronto, isla-markaana uu ka kacay qol kamid ah xarunta  C.I.D, balse lagu guuleystay in deg-deg loo damiyo, kadib markii ay gurmad meesha ku tageen gaadiidka dab-damiska.

Booliska Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in wax khasaare ah aanu gaysan dabkan, isla-markaana la xakameeyay kahor inta aanu ku fidin xafiisyada kale ee xarunta.

“Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed waxa uu Bulshada Caasimadda Dalka ee Muqdisho la wadaagayaa in wax khasaare Nafeed iyo mid Maal uusan geysan Dabkii ka dhashay Korontada ee Caawa ka kacay qol kamid ah qololka Ciidanka Ilaalada Xarunta Laanta Dambi baarista C.I.D” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay taliska Booliska

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Waxaa Ilaahay Mahaddii ah in Kooxda Dabdamisku oo ka howlgalay daminta Dabka ay ku guuleysteen”.

Dabkan ayaa intii uu socday saameyn ku yeeshay isku socodka isgoyska KM4 oo ay ku taalla xarunta, waana waddo mashquul badan oo ay dadweynuhu isticmaalaan.

Waxaa sidoo kale dabkan ka dhashay walaac xoogan, maadaama xarunta ay ku xiran yihiin eedeysanayaal ay soo qabteen ciidamada Booliska, kuwaas oo ku jira Xarinta C.I.D, laakiin booliska ayaa xaqiijiyay inay nabad qabaan dadkaasi, dabkana aanu gaysan khasaaro.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleDowlada oo Bahdishay Dowlada Soomaaliya kuna Dhawaaqday Go,aan
Next articleKhilaaf ka Dhex Qarxay Xasan iyo Xamsa Kadib Safarkii Axmed Madoobe ee kenya