Home Wararka Maanta Daarusalaam Gubadleey iyo Garasbaaleey oo Noqday Degmooyin Rasmi ah

Daarusalaam Gubadleey iyo Garasbaaleey oo Noqday Degmooyin Rasmi ah

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dikreeto ku soo saaray in Gubadleey, Daarusalaam iyo Garasbaaley loo aqoonsaday degmooyin buuxa oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar ayaa warbaahinta u akhriyey dikreetada Madaxweynaha, waxaana muddo dheer socday qorshaha maanta la soo gabagabeeyey oo degmooyin rasmi ah lagu gaarsiinayey Gubadleey, Daarusalaam iyo Garasbaaley.

Degmooyinkaan ayaa aqoonsigaan ku helay kadib markii ay soo biixiyeen shuruudaha degmonimo ee looga baahan yahay, sida lagu sheegay dikreetada.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale ayaa lagu sheegay dikreetada in madaxweynaha uu ka codsaday in aqoonsi buuxa la siiyo degmooyinkaan cusub.

Seddaxdaan degmo ayaa ku kala yaalla daafaha Muqdisho, waxayna caawa ka hor ahaa jireen deegaano hoos taga 3 kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Gobolka Banaadir oo markii hore ahaa 17 degmo, wuxuu hadda noqonayaa 20 degmo, waxaana ku sii biiray oo degmooyin buuxa sidaas ku noqday Gubadleey, Daarusalaam iyo Garasbaaley.

Magaalada Muqdisho ayaa ku sii faafeysa dhul sanado ka hor miyi ahaa, waxaana laga dareemayaa Muqdisho inay dib ugu laabatay waayeheedii nabadda iyo hormarka.

Maalgashi badan ayaa ka jira caasimadda, dadku waxay aad u daneynayaan inay degaan degmooyinka xiga daafaha, amniguna wuxuu noqday mid marba marka ka dambeysa soo hagaagaya.

Khilaaf Soo Kala Dhex-galay Mareykanka oo Dhinac ah IMF iyo Bangiga Adduunka

Wasiirka Maaliyadda Maraykanka, Scott Bessent ayaa ku eedeeyay hay’adda lacagta adduunka ee (IMF) iyo Bangiga Adduunka inay aad uga leexdeen howlihii loo aasaasay. Bessent ayaa sheegay IMF ay ku bixinayso

Al-shabaab oo saaka Weerar Qaraxyo ku billowday ku qaaday deegaanka Wargaadhi ee G/Sh/Dhexe.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyada ururka Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhig ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka War-gaadhi, oo ku

Rag ka tirsan Shabaab oo dad ka afduubtay Mandheere

Wararka naga soo gaaraya gobolka waqooyi bari Kenya ayaa sheegaya in koox hubeysan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab ay galinkii dambe ee shalay afduub u geysteen

34 Sano kadib Dowlada Somaliya oo dib u soo Celisay Adeega Boostada Caalamiga

Soomaaliya ayaa 34 sano ka dib markii ugu horeysay dalka ka hirgelisay Maamulka tooska ah ee Boostada caalamiga ah.. Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐌𝐀𝐗𝐀𝐌𝐄𝐃 𝐀𝐀𝐃𝐀𝐍

Maxaa Qalad ah oo ka jira Heshiiska Turkiga iyo Somaliya ee Dhanka Shidaalka

Heshiiska taariikhiga ah ee ay Soomaaliya iyo Turkiga kala saxiixdeen ee sahminta iyo soo saarista shidaalka iyo gaaska ayaa si weyn u soo jiitay indhaha bulshada, balse sidoo kale wuxuu
Ad
Previous articleWasiir Fiqi oo Jawaab Cajiib ah Siiyay Farmaajo iyo Shiikh Shariif
Next articleWar Deg Deg ah:Madaxweynaha Iran iyo wasiirkiisii arrimaha dibadda oo la xaqiijiyay inay dhinteen