Daahir Amiin Jeesow aya ku guuleystay kursiga Gollaha Shacabka Baarlamanka JFS ee tirsigiisu yahay HOP030 ee beesha Gaaljecel / Makaahil.
Daahir aya kamid ah Xildhibaanada ugu afdheer Baarlamanka Federalka Soomaliya, wuxuna oraahdisa iyo afkaartisa siyaasaded hadba u gudbiya bulshada Soomaliyeed.
Xildhibaan Jeesow waa mid kamid ah Xildhibaanada uu ugu kalsoonida badan yahay Madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxaana la sheega inuu kamid yahay shaqsiyaadka uu u xil-saartay gaalangalka iyo ol-olaha Baarlamanka.
Kooxaha mucaaradka aya Madaxweynaha Hirshabelle ku cadaadinayen in Xildhibaan-nimada la dhaafiyo Jeesow si loo abuuro fikrad ah qof walbo Farmaajo taageray in uu kursi waayay taas oo dhaawac ku noqon laheyd ol-olaha dib u doorashada Madaxweyne Farmaajo.