Home Wararka Maanta Cumar Xuseen oo Kamid ahaa Dadkii kusugnaa Maqaayada Top Cofee oo xalay...

Cumar Xuseen oo Kamid ahaa Dadkii kusugnaa Maqaayada Top Cofee oo xalay Qarax Culus uu ka dhacay iyo Wixii uu arkay

0

Waxaa weli isa soo taraya macluumaadka laga helayo qarax ismiidaamin ahaa oo xalay kooxda Al-Shabaab ka fulisay magaalada Muqdisho, kaas oo lala eegtay dad badan oo ku sugnaa maqaayad ku taalla gudaha degmada Boondheere.

Cumar Xuseen oo kamid ah dadkii ku sugnaa maqaayadaas oo lagu magacaabo Top Coffee ayaa bixiyay xog ku aadan sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in isaga iyo asaxaabtiisa ay goobta ku sugnaayeen xilliga uu dhacaya qaraxa oo gaari loo adeegsaday.

“Xalay meeshaan waxaa ka dhacay musiibo aad u wayn qaraxa wuxuu dhacay abaare 10:00 haeenimo runtii meesha waa ku shaaxeyneynay sida idin muuqato qarax wayn ayaa halkan ka dhacay waxaana ka dhashay khasaare kala duwan” ayuu yiri Cumar Xuseen.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in goobta ay u dhinteen qaar kamid ah saaxibadiisii oo ay wada joogeen, halka ku kalena ay ku dhaawacmeen, balse uu isagu badbaaday.

“Tiro badan oo kamid asxaabteyda meeshan way ku geeriyootay ilaahey ha u naxariisto, kuwa kalena way ku dhaawacmeen” ayuu mar kale yiri Cumar Xuseen.

Waxaa kale oo uu yiri “Maqaayaddu waxay ahayd maqaayad iska caad ah oo dhalinyarada iyo dadka kaleba ay ku shaaxeeyaan, waxayna ahayd maqaayadda ugu caansan degmada Boondheere”.

Taliska ciidanka Booliska Soomaliya wuxuu warbixinta hordhaca ah ku sheegay in 5-qof ay ku geeriyoodeen, ku dhowaad 20 kalena ay ku dhaawacmeen qaraxaas, sidoo kale waxaa jira gaadiid iyo goobo ganacsi oo ku burburay qaraxa.

Waxaa sidoo kale weli socota qiimeynta khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas, sida ay qortay warbaahinta dowladda oo soo xiganeysa Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleWaxa Uu ahaa Qarxii Cuslaa ee Xalay Ka Dhacay Muqdisho oo la Shaaciyay
Next articleMadaxwaynaha cusub ee Iran oo shaaciyay hadal ka farxiyay madaxda Xamas