Home Wararka Maanta Cirro oo sheegay in Somaliland aqoonsi heli doonto inta uu xilka hayo

Cirro oo sheegay in Somaliland aqoonsi heli doonto inta uu xilka hayo

0

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in Somaliland ay aqoonsi heli doonto inta uu xilka hayo, isla markaana uu xoogga saari doono xoojinta nabadda iyo midnimada shacabka.

Madaxweynaha oo xalay magaalada Berbera kulan kula yeeshay waxgaradka gobolka Saaxil, ayaa sheegay in himilada aqoonsiga Somaliland uu isagu dhamaystiri doono.

“Muddo badan ayaynu ka shaqaynaynay oo dhawr iyo soddon sano ah in aynu Somaliland iibino. Hawl badan ayaa qabsoontay aniga ka hor, laakiin waxaan u sheegayaa shacabka Somaliland in aan anigu dhamaystirayo hawshaas,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.

Madaxweynuhu hadalkan ayuu u sheegay si kalsooni ka muuqato, isaga oo sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Somaliland la aqoonsan doono inta aanu muddo xileedkiisu dhammaan, isla markaana shacabka Berbera ay markale wada sheekaysan doonaan iyaga oo ah dal la aqoonsaday.

Waxa uu xusay in xukuumaddiisu ay xoogga saarayso isku haynta dadka, xoojinta nabadda, iyo dhismaha iyo qalabaynta ciidamada kala duwan, taas oo uu sheegay inay saldhig u noqonayso in la helo aqoonsi caalami ah.

Dhanka kale, Madaxweynuhu waxa uu ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay xaasidayso Somaliland, balse ay wanaagsanaan lahayd inay ku faraxdo, isaga oo sheegay in Somaliland aanay cidna duulaan ku ahayn isla markaana ay gaadhi doonto yoolkeeda aqoonsiga.

Dadaallada aqoonsi raadinta Somaliland ayaa taageero badan ka helay Maraykanka iyo Ingiriiska, iyadoo ay sii kordhayso tirada xildhibaanada labadaas dal ee ku baaqaya in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan.

Waxa ugu weyn ee keenay in Somaliland taageerayaal u hesho qadiyaddeeda, ayaa loo aanaynayaa nabadda iyo dimuqraadiyadda muddada dheer ka jirtay, iyo tartanka Shiinaha iyo Maraykanka ee ku aaddan saamaynta Geeska Afrika.

Xildhibaannada u doodaya aqoonsiga Somaliland ayaa ku doodaya in Somaliland ay muddo badan u janjeedhay dhanka Waddamada Reer Galbeedka, isla markaana ay tahay goob istiraatiiji ah oo ka madhan saamaynta Shiinaha, oo hadda fadhiya Jabuuti iyo Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda kireysatay shirkado sharci oo waaweyn si looga hortago in Somaliland noqoto dal gaar ah. Qoraal dhawaan kasoo baxay Safaaradda Soomaaliya ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in aqoonsiga Somaliland uu wiiqi doono dadaallada lagula dagaalamayo argagixisada.

Ad