Home Wararka Maanta Ciidanka Xoogga dalka oo tagay dhul howd ah oo dhawaan Al Shabaab...

Ciidanka Xoogga dalka oo tagay dhul howd ah oo dhawaan Al Shabaab lagu duqeeyay (Sawirro)

0

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helayay ciidanka deegaanka ee Macawiisleyda, ayaa tagay dhul howd ah oo kuyaalla duleedka degmada Ruun-nirgood , halkaas oo dhawaan Al Shabaab lagu duqeeyay.

Duqeynta ka dhacday goob Al Shabaab isku aruursanayeen ayaa la sheegay in uu kasoo gaaray khasaaro badan oo isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, waxaana kooxdii Al Shabaab halkaasi joogtay lagu qasbay in goobta ka cararaan.

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaana gaaray dhulkii howdka ahaa ee Al Shabaab lagu duqeeyay, waxa ayna halkaasi kusoo arkeen raadadka khasaaraha ka dhashay weerarka iyo cararka Al Shabaab.

Saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ay la wareegeen goobtii Al Shabaab lagu duqeeyay, waxa ayna saraakiishan sheegeen in duqeynta khasaaro xooggan lagu gaarsiiyay Al Shabaab.

Ad
Previous articleSoomaaliya oo jawaab Deg Deg ah ka bixisay Go,aankii Midowga Africa
Next article37,000 oo arday oo Maantay U Fariisatay Imtixaanka Dugsiga Sare ee Dalka Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here