Ciidanka kumaandooska Soomaaliya ,gaar ahaan ururka 7-aad, guutada 18-aad ee Gorgor ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay tuulooyin kuyaalla gobolka Shabeelaha Hoose oo ay maamulayeen kooxda Al Shabaab.
Saraakiisha ciidanka Gorgor hoggaamineysay ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ciidanka gaareen toolooyin ay kamid yihiin Nuunaay, Nuun-garre iyo Tawakal oo hoostaga deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Taliyaha ururka 7-aad, guutada 18-aad Kumaandooska Xoogga ee Gorgor Gaashaanle Maxamed Shiikh ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in howlgalka ku dileen afar dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab oo ciidanka la dagaalamay.
Waxa uu sidoo kale taliyaha sheegay in ciidamada Gorgor burburiyeen doon ay wabiga labadiisa dhinac isaga kala gudbin jireen dagaalyahanada Al Shabaab ee ku sugnaa tuulooyinka ay howlgalka ka fuliyeen.
Ciidamanka Gorgor ee ku sugan deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa mararka qaar qaada howlgalo qorsheesan ay ka fuliyeen deegaano iyo toolooyin katirsan gobolka Shabeelaha Hoose.
Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar
Ciidamada Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay