Ciidanka Hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Jubaland, Ciidanka Danab Ururka 5-aad Guutada 16-aad Kumaandooska XDS ayaa sheegay iney burburiyeen xarumo ay ku dhuumaaleysanayeen Kooxda Al-shabaab oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo.
Howlgalkan qorsheysan ayey ciidanku ka fuliyeen deegaano ay kamid yihiin Biibi, Maalka-dhaqajo, Beer-xaani, Qudus iyo Yaaq dabayl oo ka tirsan gobolka Jubada hoose.
“Ciidamada ayaa howlgaladan qorsheysan ee ka dhacay deegaanadan kale duwan ku dilay 23 kamid ah Khawaarijta kuwaasoo ay ku jireen laba horjooge oo kala aha Axmed Cali Faarax (Abuu Cabaas) iyo Geedi Warfaa Cali (Abuu Muscab)” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada NISA.
Sidoo kale sarkaalka ayaa intaas ku daray ciidamadu ay fashiliyeen qaraxyo ay doonayeen kooxda Al-shabaab inay galiyaan waddooyinka iyagoo gacanta ku soo dhigay labba kamid ah kuwii miinooyinkaa hagayey.
Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada
Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka