Home Wararka Maanta Ciidanka Macawiisleyda Galmudug oo weerar ku qaaday goob isku urursanayeen Al-Shabaab

Ciidanka Macawiisleyda Galmudug oo weerar ku qaaday goob isku urursanayeen Al-Shabaab

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar ay maanta ciidamada dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda ay ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan koxoda Al-Shabaab oo ku aadan deegaanka Cinjir, una dhow magaalada Budbud ee gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Weerarka kadib ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac, kaas oo muddo saacad ka badan qaatay, isla markaana la’isku adeegsaday hubkua culus.

Saraakiil ka tirsan Macawiisleyda oo ka hadlay dagaalkaasi ayaa shaaca ka qaaday inay ka war heleen xubnaha Al-Shabaab ee isku uruursanayeen halkaasi, kadibna weerareen.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay goobta ku dileen xubno kamid ahaa kooxda, ayna la wareegeen gacan ku heynta goota lagu dagaalamay.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dadka deegaanka ee Macawiileyda.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana weli aagga Bubud dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wada ciidamada deegaanka ee howlgallada xoreynta ka wada gobollada dhexe.

Howlgalkan ayaa kusoo aaday, ayada oo muddooyinkii dambe ay istaageen dagaalladii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee ka socday koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleTaliye Mahad Salaad oo Gaaray Suuqa wayn ee Bakaaraha(Sawiro)
Next articleFaahfaahin dheeraad ah oo kasoo baxaysa Doon kale oo lagu afduubtay xeebaha Puntland