Home Wararka Maanta Ciidanka Israel oo mar kale haween iyo caruur ku laayey bartamaha Gaza...

Ciidanka Israel oo mar kale haween iyo caruur ku laayey bartamaha Gaza (Sawirro)

0

Saraakiisha caafimaadka Falastiiniyiinta ayaa sheegay in duqaymaha Israa’iil ay ku dileen 11 qof manata kuwaasoo ay ku jiraan haweeney iyo saddex carruur ah, oo ka dhacay bartamaha Gaza.

Duqeyntan lagu sameeyay guri ku yaala xerada Bureij ayaa waxaa ku dhintay afar qof oo ay ku jiraan saddexda caruur ah. Weerar labaad oo dhacay subaxnimadii Isniinta ayaa lagu dilay toddobo qof oo ay ku jirto haweeney, xerada qaxootiga ee Nuseirat.

Duqeymahan ayaa imaanaya maalmo ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu sheegay in Israa’iil ay u soo bandhigtay Xamaas heshiis xabbad joojin ah oo saddex weji ah kaasoo lagu sii daynayo la haystayaasha, isagoo caddeeyay in la gaaray xilligii la soo afjari lahaa dagaalka Gaza iyo in Xamaas “aysan hadda awood u lahayn” inay fuliso weerar kale oo weyn.

Israa’iil ayaa sii ballaarinaysa duullaanka ay ku hayso koonfurta Gaza ee magaalada Rafah, oo mar ahayd xudunta hawlaha gargaarka bini’aadminimo. Duulaanka Israa’iil ayaa inta badan gooyay isu socodkii cunnada, daawoyinka iyo agabka kale ee ay heli jireen Falastiiniyiinta oo wajahaya gaajo baahsan.

Israa’iil ayaa wajahaysa dhaleecayn caalami ah oo sii kordheysa oo ku aaddan qiimaha nolosha rayidka ah iyo burburka baahsan ee ka dhashay dagaalka siddeedda bilood ku dhow ee ay kula jirto Xamaas.

Duqeymaha Israa’iil iyo howlgallada dhulka ee dhulka go’doomiyay ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 36,000 oo falastiiniyiin ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza.

Israa’iil ayaa dagaalkeeda Qaza ka billowday ka dib markii ay Xamaas weerartay Oct. 7, kaasoo dagaalyahannada ay gudaha u galeen koonfurta Israa’iil, ayna ku dileen ilaa 1,200 oo qof – oo u badnaa rayid – waxayna afduubteen ilaa 250 kale.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in uusan ka laaban hadafkii uu ku burburin lahaa Xamaas

Netanyahu ayaa la kulmay diidmo kaga imaanayay kooxaha xagjirka ah ee isbahaysigiisa kuwaasoo ku hanjabay in ay ridi doonaan dowladdiisa haddii uu ogolaado heshiis lagu soo afjarayo dagaalka Gaza iyada oo aan meesha laga saarin Xamaas.

Biden ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqay waxa uu ugu yeeray yabooha Israel oo ay ku jiraan “xabad joojin waarta” iyo ka bixitaanka Israel ee Gaza haddii Xamaas ay sii deyso dhamaan la haystayaasha ay gacanta ku hayso.

Ad
Previous articleMaamulka Jubaland oo ayana Si Cad u Diiday inay Ciidamada Itoobiya Dalka Laga Saaro
Next articleSafiir u dhashay UK oo xilka ka tagay kaddib markii uu qori ku taagay shaqaalihiisa