Home Wararka Caalamka Ciidanka ISRAEL oo duullaan hor leh ku qaaday waqooyiga Gaza

Ciidanka ISRAEL oo duullaan hor leh ku qaaday waqooyiga Gaza

0

Ciidamada Israel ayaa aad ugu sii siqay gunta magaalada ugu weyn Marinka Gaza, iyaga oo sheegay in ay la dagaallami doonaan dagaal-yahannada Xamaas oo ay sheegeen in ay halkaasi dib ugu soo laabteen.

Ciidanka Israel ayaa Isniintii ku amray dadka aaggaasi daggan in ay isaga baxaan, taasi oo keentay in kumannaan qoys ay markale si dhaqso ah uga cararaan duqeymaha ciidamada Isra’il.

Israel waxay sheegtay in markale ay ciidankoodu kula dagaalamayaan aagga waqooyi ee Gaza, halkaas oo ay ah meeshi uu ka billowday duullaanka Israel billowgi dagaalka Gaza.

Saraakiisha Xamaas ayaa ka digay in weerarka cusub ee Israel ay ka billowday Gaza uu halis ku yahay wada-hadallada xasaasiga ah ee xabbad-joojinta ee ay dowldaha Mareykanka, Qatar iyo Masar ka dhex wadaan Xamas iyo Israel.

Dadka deegaanka waqooyiga Gaza ayaa sheegay in duqeymihi cirka ee ay Israel shalay ka fulisay halkaasi ay ahaayeen mid kamid ah kuwii ugu cuslaa uguna khasaaraha badnaa tan iyo marki uu billowday dagaalka muddo hadda laga joogo 9 bil.

Dowladda Mareykanka ayaa Isnintii xaqiijisay in saraakiil sare oo Mareykan ah ay gaareen magaalada Qahira ee dalka Masar, si ay u riixaan heshiiska xabbad-joojinta ee hindisihiisu uu lahaa madaxweyne Biden.

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay in agaasimaha hey’adda CIA Bill Burns iyo Ergayga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Bariga Dhexe Brett McGurk la filayo in ay Qahira wada-hadallo kula yeeshaan dhigooda dalalka Masar, Israel iyo Urdun.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleCiidamada Dowlada oo Howlgal Balaaran ku Qaaday Galgaduud (Sawiro)
Next articleIsmaacil Cumar Geele oo Dharbaaxo siyaasadeed Ku Dhuftay Muuse Biixi