Home Wararka Maanta Ciidanka Israa’iil oo duqeyn ay dad ku dhinteen ka geystay Suuriya.

Ciidanka Israa’iil oo duqeyn ay dad ku dhinteen ka geystay Suuriya.

0

Milateriga Suuriya, ayaa sheegay in shan qof ay dhinteen, ka dib markii ay ku eedeeyeen gantaallo ay Israa’iil ku garaacday magaalada caasimadda Dimishiq, iyo deegaannada ku xeeran maanta oo Axad ah.

Saraakiisha ayaa sheegay in dhismo ku yaalla xaafadda Kafr Sousa ee bartamaha Dimishiq, lagu dilay afar qof oo rayid ah iyo hal askari.

Degmada oo ay dad badan ku nool yihiin, ayaa waxaa ku yaalla dhismo weyn oo ammaankiisa si weyn loo ilaaliyo.

Milateriga Israa’iil, ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan duqeynta, markii ay wax ka weeydiisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Israa’iil ayaa waxay inta badan weerartaa bartilmaameedyada Suuriya ee lala xiriirinayo Iran, iyo dagaal yahannada Xisbullah, laakiin marar dhif ah ayey qirataa weerarka ay geysato.

Weerarkii Axaddii, ayaa ahaa kii ugu horreeyay tan iyo markii dhulgariir lagu qiyaasay 7.8 uu ku dhuftay waqooyi-galbeed ee dalkani, iyo sidoo kale qaybo ka mid ah dalka deriska ah ee Turkiga, 12 maalmood ka hor.

Deegaanka Kafr Sousa, ayaa waxaa ku sugan xarunna u yihiin saraakiil sarsare iyo hay’adaha ammaanka, balse waxaa sidoo kale degan dad shacab ah oo ku nool dhismayaasha u dhaw dhaw xarumahan.

Duqaynta – oo dhacday 00:22 wakhtiga maxaliga ah (21:22 GMT) – ayaa waxay sababtay burbur soo gaaray guryo badan, oo ku yaalla xaafadaha Dimishiq iyo meelaha kale ee u dhow, sida ay sheegeen saraakiisha Suuriya.

Wasaaradda difaaca ee dalkaas, ayaa sheegtay in gantaalladan laga soo tuuray buuraha Golan Heights, oo ah dhul dhagax ah oo koonfur-galbeed ka xiga magaalada Dimishiq, oo ay Israa’iil qabsatay sannadkii 1981-kii.

Kooxda la socodka xuquuqda bini’aadanka ee Suuriya ee fadhigeedu yahay magaalada London, ayaa sheegtay in dhimashadu ay marayso 15 qof, oo ay ku jiraan dad rayid ah.

“Weerarkii Axaddii waa kii ugu khasaaraha badnaa ee Israa’iil ka geysato caasimadda Suuriya,” ayuu yiri Rami Abdel Rahman, madaxa kormeerayaasha.

Weerarkani ayaa waxa uu ku soo beegantay hal bil ka dib markii Israa’iil ay weerar ku qaaday garoonka caalamiga ah ee Dimishiq, sida ay sheegeen ciidamada Suuriya, halkaas oo ay ku dileen afar qof oo ay ku jiraan laba askari.

Israa’iil ayaa horay u qiratay inay bartilmaameedsato saldhigyada kooxaha mintidiinta ah ee daacadda u ah dowladda Iran.

Labadan dal ayaa isku ah cadow soo jireen ah, waxaana sannadihii u dambeeyay ay ku hawlanaayeen wax lagu tilmaamay “dagaal qarsoodi ah” oo ah weerarro aan la sheegan, oo midba midka kale uu ku qaado hantida, kaabayaasha dhaqaalaha iyo shacabkaba.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleCiidamada ammaanka oo nin hubeysan oo Ka Tirsan Alshabaab ku toogtay Muqdisho.
Next articleSarkaal Kale oo Ka Tirsanaa Dowlada oo Alshabaab la Shaqaynaayay oonMarkale Maantay Xukun lagu Riday