Home Wararka Maanta Ciidanka Galmudug iyo Kuwa Dowlada oo la Wareegay Deegaanka Qaycad

Ciidanka Galmudug iyo Kuwa Dowlada oo la Wareegay Deegaanka Qaycad

0

Ciidamada Dowlada gaar ahaan Guutada DANAB iyo kuwa Daraawiishta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa la sheegay inay la wareegeen degaanka Qaycad ee Gobolka Mudug.

Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa weeraray degaanka Qaycad oo Dhanka Bari Koofurta Mudug 5km ka xiga Degmada Bacaadwayne, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, kaas oo uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka DANAB ayaa sheegay inay dagaalka ku dileen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, sidoo kalena Guud ahaan ay gacanta ku dhigeen degaanka Qaycad ee Koonfurta Gobolka Gobolka Mudug.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay degaanka Qaycad ka wadaan howlgallo baaritaano ah, waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen inay howlgallada sii wadi doonaan.

Deegaano ka tirsan Gobolka Mudug ayaa Maalmahaan waxaa ka socda howlgal  ballaaran, kuwaas oo qaarkood Ciidamada dowladda ay kulanwareegeen degaannada Camaara iyo Bacaadweyne ee Gobolkaasi Mudug.

Ad
Previous articleWasaaradda Amniga Galmudug oo War ka soo saartay Howlgallo iyo Dagaalo ka dhacayay Gobalka Mudug
Next articleMaamulka Galmudug oo war kasoo saaray Dagaalada Maanta iyo Goobaha lala wareegay