Home Wararka Galmudug Ciidanka Galmudug iyo kuwa Dowlada oo howlgal qorsheysnaa ka fuliyay Galgaduud

Ciidanka Galmudug iyo kuwa Dowlada oo howlgal qorsheysnaa ka fuliyay Galgaduud

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysnaa oo Xalay ciidanka Daraawiishta maamulka Galmudug oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ka fuliyeen duuleedka deegaanka Ceel la helay ee gobolka Galgaduud.

Howlgalka ayaa yimid kadib markii ciidanka iskaashanaya ay ka war heleen abaabul xoogan oo xubno ka tirsan Al-shabaab ka wadeen duuleedka Ceel la helay oo kooxdu fariisimo ka sameysatay mudooyinkii dambe.

Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya ciidamada huwanta ah weerarka ay ku qaadeen kooxda ku gaarsiiyeen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, hayeeshee weli lama helin tiro rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee gaaray Al-shabaab.

Sidoo kale ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka saraakiisha ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo hoggaanka ciidanka deegaanka oo ku saabsan  khasaaraha ka dhashay howlgalka ka dhacay duuleed Ceel la helay.

Weerarkaan aayaa kusoo aadaya, iyadoo todobaadyadii lasoo dhaafay ciidanka difaaca deegaanka ay dhaqdhaqaaqyo xoogan ka wadeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Galgaduud si ay kooxda Al-shabaab uga xureeyeen deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Galgaduud, gaar ahaan bariga gobolkaas.

Ad
Previous articlePuntland oo 15 xubnood oo Daacish ah ku dishay howlgalkii lagu xoreeyay togga Miiraale
Next articleGolaha Wasiiradda Somaliya oo Maanta Mahad Maxamed Salaad u magacaabay Agaasimaha Hay’adda NISA