Home Wararka Maanta Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

0

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo isku dhinac ah iyo dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab.

Dagaalka oo laisku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa bilowday aroornimadii saakay oo Khamiis ah kadib markii Al shabaab ay soo wareereen saldhigyadii ciidamada ay kusugnaayeen.

Dagaalka oo saacado socda waxaa ka dhashay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.

Afhayeenka Madaxtooyada Koonfur Galbeed Maxamed Ibrahim oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay inay dagaalka ku jabiyeen Dagalamayaashii weerarka soo qaaday.

Waxaana uu xusay in ay jiraan khasaare xoogan oo ay soo gaarsiyeen dagalamayaashii soo weeraray saldhigyada ciidamadoodi waxaana uu shaaca ka qaaday in ilaa iyo hadda ay tiro koob ku hayaan dagaalyahanada dagaalka lagu dilay.

Waxa ay soo bandhigeen saraakiisha ammaanka Koonfur Galbeed Muqaalo ragii Al shabaab ee ay saakay dagaalka ku dileen.

Saraakiisha ayaa sheegay inay goor dhow la hadli doonaan warbaahinta ayna la wadaagi doonaan khasaare ka dhashay dagaalka saakay ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleGudiga Doorashada Somaliya oo looga digay inay Doorasho ka qabtaan Gobolka Gedo
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray