Home Wararka Maanta Ciidan ka tirsan kuwa Puntland oo ka baxay Furimaha Dagaalka buuraha Calmadow

Ciidan ka tirsan kuwa Puntland oo ka baxay Furimaha Dagaalka buuraha Calmadow

0

Ciidamo ka tirsan Puntland oo kasoo jeeda gobolka Sanaag ayaa isaga baxay furimaha dagaal ee Galgala, Afurur iyo Bali-Khadar oo ku teedsan buuraha Calmadow, iyagoo  gaaray deegaanka Cowsane ee gobolka Sanaag.

Ciidamadan oo sameeyay gadood ayaa sheegay inay isaga baxeen furimaha dagaalka si ay uga qeyb qaataan, sida ay hadalka u dhigeen, “xoraynta magaalada Ceerigaabo”, halkaas oo ay sheegeen in dadkoodii laga barakiciyay.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in ciidamada iyo saraakiishooda ay ka caroodeen hadal dhawaan kasoo yeeray madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo lagu fasiray mid taageero u muujinaya gooni-isu-taagga Somaliland, isagoo aan xusin xaaladda dadka reer Puntland ee laga barakiciyay guryahoodii ay ku lahaayeen Ceerigaabo.

Ciidamadu waxay aaminsan yihiin in Madaxweyne Deni uu kasoo horjeedo mowqifkooda ah in dagaal lagu wajaho arrinta Ceerigaabo, uuna doorbidayo in nabad lagu dhameeyo, dadka barakacayna dib loogu celiyo guryahooda iyadoo loo marayo wada xaajood u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland.

Sidoo kale, warar kale oo aan helnay ayaa sheegaya in ciidamadan ay saluug ka muujiyeen mushaar la’aan iyo ballanqaadyo dhaqaale oo aan la fulin, taasoo qayb ka ahayd sababta ay uga soo baxeen furimaha dagaalka.

Dhinaca kale, waxaa socda dadaallo lagu doonayo in ciidamadaasi dib loogu qanciyo si ay ugu laabtaan talisyadoodii difaaca.

Ad
Previous articleCaalamka:- Duqeymo Maalinta Saddexaad ka Socda Magaalada Port Sudan
Next articleMadaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho