Home Wararka Maanta Ciidamo kabadan 100 oo Ku biiray Dowlada Kana Goostay Jubaland

Ciidamo kabadan 100 oo Ku biiray Dowlada Kana Goostay Jubaland

0

Ciidamo aad ubadan oo gaarayay 110 Asakri oo xalay laga Diray Kismaay Si ay u caawiyaan Ciidamo Ka tirsan Jubaland oo loogu  talagalay inay la dagaalamaan Ciidamada Dowlada ee ku sugan Raaskanbooni ayaa Mar qura U weecday Dhanka Dowlada.

Ciidamadaan oo watay ilaa 5 doomood ayaa Xariir Lasameeyey Ciidamada Dowlada ee ku sugnaa Raaskanbooni kuwaas oo u sheegay in ay ku biiraayaan Dowlada Ciidamada Gor gro ayaana Ka Hortagay kuwaas oo Soo dhawayn iyo Sacab kala Hortagay.

Taliyhii watay Ciidamadaan ayaa Sheegay inay Go,aan sadeen inay ku biiraan Dowlada Halkii walalahood la dagaali lahaayeen waxayna Sheegeen inaysan dhowr iyo Tobansano xuquuq iyo Mushaar Joogta ah Helin.

Arinkaan ayaa Waxay dhabar Jab Xoogan ku Tahay Axmed Madoobe oo Askartii uu diraba Uweecanayaan Dhanka kale Axmed Madoobe ayaana Jimcihii 15 maalin Uqabtay Ciidamada Dowlada inay Uga Baxaan Raaskanbooni Hadii kale ay weerari doonaan.

Khilaafka U dhaxeeya Axmed Madobe iyo Dowlada ayaa Gaaray Meel sare Waana Markii ugu horaysay oo axmed Madobe lagu qabsado Jubada Hoose iyo kismaayo Tan iyo doorashadiisii 13 sano kahor.

Ad
Previous articleSuuriya oo inta badan laga Saaray Ciidamadii Bishaar al Asad iyo Al Asad oo halis ku jira
Next articleDowlada Soomaaliya oo War Lama Filaan ah kasoo Saartay Kulankii Xasan Shiikh iyo Abiya Axmed